Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay banaanka madaxtooyada Soomaaliya

Qof naftiis dile ah ayaa goor dhawyd isku qarxiyey afaafka hore ee madaxtooyada gaar ahaan guriga gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay lix kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kuwaasi oo fadhiyey meel maqaayad ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad rayid ah oo ku taala madaxtooyada.

Taliyaha ciidanka Laanta Danbibaarista dowlada KMG Soomaaliya, C/laahi Xasan Bariise ayaa u sheegay wariyaasha in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sababta uu ninka is qarxiyey kusoo galay gudaha madaxtooyada.

“Inta aan aragnay lix qof oo dhaawac ah iyo laba qof oo dhimatay oo ka mid ahaa dadki shaahiga ka cabayey maqaayada iyo shaqsigi is qarxiyey, baaritaanka ayaa wadnaa wax faah faahin ah oo lagu dari karo ma lahan” ayuu yiri C/laahi Xasan Bariise.

Waa qaraxi ugu horeeyey ee ka dhaca meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa yeela go go,a hilbo iyo dhiig, sidoo kalana waxaa dumay darbiyadi u dhawaa iyo guud ahaan goobti shaahiga lagu karinayey ee madaxtooyada.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.