Qarax ismaadaamin ah oo qasaare geystey oo goor dhow ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho

Qarax ismaadim ah oo goor  ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo la sheegay inuu ka dhashay kadib markii qof ku jirey gudaha Tiyaatarka uu is qarxiyey, wararka ayaa sheegaya in dadka qaraxanku dhaawacmay u uka mid ahaa Proff Maxamed Cumar Dhalxa iyo xubno kale oo kamid ah baarlamaanka.

Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxan ayaa la sheegay inay kujiraan weriyayaal goobtaasi ku sugnaa.

Illaa iyo hadda lama sheegin tirade saxda ah ee wax ku noqotay qaraxan hase yeeshee waxaa tiyaararka hadda ka socda dadaalo lagu daadgureynayo dadkii wax ku noqday.

Qaraxan ayaa dhacay iyadoo National Theatreka uu ka socday xaflad lagu maamusayay sanad guuradiikoowaad ee aasaaska taleefishinka qaranka.