Qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay maqaayada “The village”

Breaking-News53-300x168Qarax ayaa ka dhacay goordhaw maqaayad ku taalla daarta Hooyooyinka, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhawaac.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa in uu ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxa oo goobta ay dadka isugu yimaadeen isku qarxiyay, lamana oga qasaraha dhabta ah ee uu geystay qaraxa.

Ciidamada amniga ayaa goobta isku gadaamay, iyadoo la daad gureynayo dadka halkasu wax ku noqday

Waa markii 3aad oo weerar ceynkaan oo kale ah lagu qaado maqaayadda ku taalla hooyooyinka.

1 COMMENT

  1. Waa arin laga xumaado dhibaatadda 3-da jeer ku soo noq noqotey the village restaurant.

    Waan uga tacsiyeyneynaa walalka ama milkiilaha Soomaliyeed ee naftiisa, waqtigiisa & maalkiisaba ku aamin inuu Muqdisho oo xaalkeedu sidaas yahay Halisteeda & qataraheeduna badan yihiin, inta uu Yimaado hadana uusan ka daalin Maalgelinta & shaqo- abuur u sameeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

    Waa nasiin darro heysato shacabka Soomaaliyeed mar haddii aan la qaban karin ama la MAXKAMADEYN KARIN, CADAALADDDANA LA HORKEENI KARIN DAMBIILAHA KA DAMBEYEY QQRAXYADAAN… TAASI WAXAY DALIIL U TAHAY HEERKA CADAALAD DARRO & INAAN BA JIRIN MAXKAMAD SI HABSAMI AH U SHAQEYNEYSA OO DAMBIILAHA SHARCIGAA HORKEENTA KUNA QAADA DAMBIGIISA..

    WAA IN XIL WEYN LA ISKA SAARAA IN QARAXYADDA NAFTII HALIGNIMO EE CEYNKAAN AH AYSAN MAR DAMBE SOO NOQ NOQON, IAYADOO HADDA LAGA BILOOBO.. LAGU SAMEYN DOONO BAARITAANO RASMI AH OO SAX AH, BQRTILMAAMEEDKIISUNA YAHAY IN DAMBIILAHA LALA TIIGSADO SHARCIGA, SI LOO XAKAMEEYO WAXYEELADDA KA DHANKA AH SHACABKA SOOMAALIYEED.. IYADOO LAGA DUULIYO QARAXII UGU DAMBEEYEY, WAA IN LA OGAADAA CIDDA KA DAMBEYSAY ? SABABTA KU DHALISAYAY INEY WAXYEELO INTAASI AH GAARSIISO QOF DUKAANKIISA KU GANACSANAYA? & HADDII AY JIRAAN DAD KALE OO ARINTAANI KU LUG LEH AMA DBIILAHA KA CAAWIYEY INUU GALO WAXAAS OO DAMBI AH ?

    MAXKAMADDA GOBOLKA BANADIR & HAY’ADDAHA SHARICGA WADANKA, WAA INEY SIDII LOOGU TALA GALAY U SHAQEEYAAN.BALSE AYSAN NOQIN HOWSHOODA QAWDA MAQASHII WAXBA HA U QABAN..

    WAA IN DHIBANAHA LA SIIYAA XAQIISA & WIXII MAG DHOW AH EE UU XAQ U YEESHO, LOOGANA QAADO REERKA DAMBIILAHA..

    CADAALADDA OO LA HORGEEYO DAMBIILAYAASHA MUQDISHO KA GEYSTA QARAXYADDA WAA MUHIIM, HAADDII AAN SIDAAS LA SAMEYNA, WA IN LA SUGAA FOOL XUMO ARINTA DHACDEY & KUWO KALE OO KA XUN..

    DHIIBAATADII, QARAXYADII KA DHACAY VILLAGE RES& KUWII UGU DAMBEYEY EE SAXAFI HOTEL LAGU BARTIL MAAMEEDSADEY WAA IN LA BAADI GOOBAA DAMBIILASHA KA DAMBEYEY QARAXYADAASI KADIBNA XABSI & WIXII AY XAQ U YEESHAAN LA MARSIIYAA..

    DAMBIILAHA HOYGIISA DHABTA AH WAA XABSIGA..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here