Qarax goordhow ka dhacay Gaalkacyo

Qarax gaariQarax ayaa goordhow ka dhacay Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyay in qaraxa lala eegtay Baabuur uu lahaa Taliyaha Booliska Gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa mid wadada lagu aasay, ayaan geysan wax qasaaro ah.

Taliyaha Booliska Mudug ayaan la socon Gaariga xiliga qaraxa lala eegnayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta,waxaana ay xilligaan eegayan sida ay wax u dhaceen.

Ma jirto wali wax hadal ah oo ka soo baxay taliyaha qeybta boosliska gobolka Mudug oo gaarigisa qaraxa la’la eegtay,laamaha ammaankuna iyaguna  kama aysan hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here