Qarax lala Eegtey Kolonyo uu la Socday Madaxweyne Faroleha Puntland

Wararkii ugu danbeey ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweyne  Faroole hogaamiyaha Puntland ee xiligaan.

Wararka laga helayo  gobolka Bari ayaa sheegaya  in qaraxyo is xigxigay ay qabsadeen kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Madaxweyne Faroole, mid kamida ah uu qarax haeelay  waxana dadka qaarkis a sheegaan  in uu lakacay gaari nuuca Leyla Calaawida oo yaqaan oo daba socday gaariga faroole sida wararka aan la xaqiijin shegaan

Dad qaar sheegay ka agdhowaa goobta in qaraxu uu ka dhacay halka loo yaqaan Meer Meerka inta aan lagaarin Kalabeyrka ee duleedka Boosaaso, dad ku sugan deegaanka Galgala waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta qaraxa iyo rasaas fara badan oo ay rideen gaadiidkii dagaalka ee kolonyada gelbinayay.

Dhanka kale waxaa goobta hawadeeda lagu arkey Diyaarado dul heehaabaya iyadoo aan si buuxda loo xaqiijin arintaas, balse wararkaas la shegay, sidoo kale  xaaladda deegaanka ay wax ka dhaceen ayaa ah mid  kacsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here