Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku soo warramay in uu qaraxa ka dhashay bambo nooca kuwa gacanta laga tuuro.
Dhamaan dadka ku waxyeelloobay qaraxa ayaa la sheegayaa inay yihiin dad rayid ah.
Qaraxa bambaano ayaa ka dhacay boosteejda Shabeelo ee gaadiidka laga raaco, halkaasoo ay ka ag dhowaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo la sheegay in aanay ciidamada wax qasaare ah gaarin.
Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in dadka dhaawacmay qaarkood dhaawacyadooda liidaan, isla markaana ay ku booqdeen Isbitaalka magaalada Baydhabo.
Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo si halkaas loogu daweeyo.
Wararka qaar ayaa sheegay in bam gacmeedka uu ka fakaday askari itoobiyaan oo saarnaa baabuurka ciidamada Itoobiyaan oo boosteejda Shabeelo ee gaadiidka marayay kadiba ciidamada Itoobiyaanka ay furen rasaas in kastoo weli saxaafada aysan xaqiijin arintaas
Wixii warara soo kordho kala soco Midnimo.com