Qarax goor dhow ka Dhacay Magaalada Nairobi

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in goor dhawayd uu qarax ka dhacay wadada Moi ee bartamaha magaaladaasi.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa banbaano lagu tuuray goob ganacsi oo ku taalla wadada Moi.

Ugu yaraan hal qof ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhintay, iyadoo in kabadan 10 qof oo kalena la sheegay inuu dhaawac ka soo gaadhay.

Ilaa hadda lama oga cidda qaraxaasi ka danbeysa.