Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee ay dhowaan la wareegeen ciidamada huwanta ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel aan ka fogeyn dekeda Kismaayo.

Qaraxan oo sida dad ku sugan magaalada Kismayo ay xaqiijiyeen inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystey.

Sidoo kale lama oga in miinada qaraxday ay ahayd mid ay qarxiyeen ciidamada la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

Hase yeeshee qaraxan ayaa waxa uu yahay mid laga dareemay magaalada Kismaayo qeybo kamid ah oo hadda ay dib ugu soo laabanayaan nolosha caadiga ah iyo ganacsigaba.

Wararka ayaa intaa ku daraya in goobta uu qaraxa ka dhacay ay baaritaano ka sameeyeen ciidamada Soomalida iyo kuwa Kenyanka ah ee magaalada Kismaayo ku sugan.

Dhowaan ayaa ururka Alshabaab waxa ay sheegeen in qeybo badan oo kamid ah magalada Kismaayo ay miinoyin ku aaseen isla markaana ay ku dhibaateyn doonaan ciidamada la wareegay magaalada Kismaayo.

Ciidamada la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here