Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo

Qarax Miino oo maanta duhurkii deegaanka Iidoow Jallaad lagula eegtay ciidamada AMISOM ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah,goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada laqarxiyay ay lugeynayeen kadib markii ay ka shakiyeen wadada.

“Ciidanka AMISOM oo gaadiidkii ay la socdeen kasoo degay ayuu qarax ku qabsaday Iidoow Jallaad dhimasho iyo dhaawac ayay goobta ka qaadeen”ayuu yiri qof goob jooge ah.

Dhinaca kale qarax miino ayaa maanta gelinkii dambe bartamaha magaalada Baydhabo lagula eegtay gaari ay lasocdeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Gaari nuuca NOHA-da ayuu qaraxu ka qeybsaday qeybta dambe waxaana jira waxyeello qaraxaasi ka dhalatay,isgoyska Afar Irdoodka oo ah goobta qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo hubeysan magaalada Baydhabo waxaa gacanta ku haya ciidamada gumeysiga Itoobiya.

R

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here