Qarax goor dhaweyd lala eegtay taageerayaal ciyaar ku daawanayey degmada Wardhiigleey

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in miino lala beegsaday dad badan oo ciyaar kubada cakta ah daawanayey iyo qaar ciyaarayey gudaha degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay garoonka Minashiibiyo ee ku yaala xaafada Xararyaale ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 7 ruux sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo aan la xiriirnay.

Dhaawaca ayaa aad uga badan dhimashada, waxaana dadka dhintay ku jiro dhalinyaradi ciyaareysay oo ka mid ah dadka reer Wardhiigleey.

Garoonka ay masiibada ka dhacday ayaa waxaa maalmahan ka socday tartan kubada cakta ah, maantana waxa ay aheyd maalinti ugu danbeysay sida ay goob joogayaashu sheegeen.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaasi ka sii badato.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.