Qarax goor dhaweyd laga maqlay Baydhabo

Qarax xoogan ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sida ay inoo sheegeen dad goob joog ah, qaraxa ayaa ahaa miino ay qarxiyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada taasi oo ku aasneyd geed ku agyaala hotelka Rinjeele ee magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ciidanka dowlada ee ku sugan Baydhabo ayaa uga mahad celiyey dadka reer Baydhabo oo door ka ciyaaraya sugida amaanka, gaar ahaan qof saakay ku wargeliyey ciidanka in ay miino ku jirto agagaarka Hotel Rinjeele.

Ma jirin cid wax ku noqotay miinada la qarxiyey, waxaana ka hor inta aysan howshaasi qaban ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala iyo xaafadaha u dhaw dhaw.

Ciidamada dowlada ayaa fashiliyey in ka badan 5 miino oo lagu aasay xaafado kala duwan oo ku yaala magaalada Baydhabo tan iyo marki ay qabsadeen dhamaadki bishi hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.