Qarax geestay dhimasho iyo dhaacaw caawa ka dhacay Mombaas

Qarax  caawa ka dhacay meel lagu caweeyo oo ku taal magalada Mombaasa.

Ciidanka booliska ee dalkaa kenya ayaa sheegay ilaa sideed qof in ay ku dhaawacantay qaraxaas, booliska ayaa wada  baaritaan lagu ogaanaayo sababta keenta qaraxaas iyo cida ka danbeysay

Saxaafada maxaliga ayaa sheegtaya ilaa sedex qof in ay ku dhinteen qaraxaas ka dhacay meel lagu caweeyo isla markaasna dadweynaha meeshaa joogay ay isu diyaarinayeen  in ay fiirsadaan  tartanka ka socdo Ukrain oo aay ku tartamayaan England iyo Italy.

Dadweynaha goobtaas joogaya ayaa hal mar ka war helay qarax ka dhacay goobtaas dada qaar ayaa sheegaya in uu ahaa bam gacmeed lagu soo tuuray goobta in kastoo booliska ka gaabsaday waxa dhaliyaya qaraxa.

Ilaa hadda cid sheegatay ma jirto laakin waxaa farta lagu fiqayaa in ay ka danbeeyeen kooxda Alshabaab oo muddo hanjabaad u jeedisay dalka kenya ayaagoo ku eedeynaayo in ay ku soo xad gudbneen madax banaanida Soomaliya.

Mombaas oo ah  meelaha loo dalxiis tago dalka kenya ayaan dhawaanahaan waxaa ku soo batay qaraxyo.

Dhawaan ayaa mareynaka kasoo saaray digniin ku aadan in laga foojignaado dhibaato mar dhow dhici doonto asagoo uga digay safaradiisa iyo dadweynaha mareykanka ee dalxiiska iyo shaqaba u jooga dalka Kenya.

Photo Reuters

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com 

 

1 COMMENT

  1. Allah ayaa kumahadsan o junuudisa ay mel walbo jogaan
    keynya waxaa laga kariwaaye ilaasho daarahaaga miraayadaha leh ee xadgudubka naga jooji waxay kuso xadgudubtay dhulkeena iyo shacabkeena maskiinka ah ee aan waxba kagalabsanin waxay duqeeyen masaakin xuulaley ah o kudhaqan jubooyinka waxay kalaayen xoolahodi iyo carurtodii bal maxey kagalabsadeen oo ay masaakiinteena uleynayaan
    waaka hada hakaxa.xaabiyan siday masakiintena uga ohiyeen ayaa ayagana looga ohisiindoonaa wax badan inshaa allah haday xadgudubka nagadayn waayan

Comments are closed.