Qarax galabta kadhacay isgoyska Bakaaraha

Waxaa galabta qarax xoogan oo nuuca miinada dhulka lagu aaso uu kadhacay isgoyska Bakaaraha ee degmada Hodan,waxaana qaraxaas kadhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Isgooska Bakaaraha, xilligaas oo dadka ay isku diyaarinaayeen in ay ka soo laabtaan goobahooda ganacsiga.

Kooxaha caafimaadka ayaa la sheegay in qaadeen dadkii dhaawaca, kuwaasoo loo soo qaaday isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo.

Markii uu qaraxa dhacay, waxa goobta soo gaaray ciidamo badan, kuwaasoo baaritaan goonta sameeyay, laakin ma jiro cid ay soo qabteyn.

Waa qarixii koobaad tan iyo markii sannadkii hore magaalada Muqdisho ay ka baxeen kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa maanta ka dhacay isgooska Bakaaraha ayaa waxa uu muujinayaa in wali Al-shabaab aysan dooneen nabad akdhalata magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here