Qarax degmada Balcad ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax maanta halkaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowlada.

Ciidamada oo xiligaasi ku lugeynayey agagaarka Suuqa waxaana halkaasi uu dhaawac kasoo gaaray sadex askari.

Xaalada suuqa ayaa noqotay mid cakiran kadib qaraxa iyadoo ay goobtana soo gaareen ciidamada boolis ah oo sida la sheegayey sameeyey howlgalo ay ku qabteen dad ay ka shakiyeen.

Waa qaraxi labaad oo degmada Balcad ka dhacayo mudo todobaad gudahiis ah, dhawaan ayaa sidaan oo kale waxaa bam lagu tuuray ciidamo ka tirsan dowlada.

Degmada Balcad ayaa waxaa maamula dowlada KMG, waxaana amaankeeda sugaya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here