Qarax Carruur ku waxyeeloobeen Buula burde

downloadInta la og yahay Labo Carruur ah ayaa ku geeriyootay mid kalena waa uu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay Degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa ahaa miino ay carruurta meel qashin qub ah kasoo qaadeen kadibna markii ay garaaceen ay ku qaraxday sidaana labo ka mid ah carruurtii ku dhinteen midna dhaawac soo gaaray cusbitaal la dhigay.

Inta badan waxa laga wacyi geliyaa Carruurta waxaysan aqoonin inay ku ciyaaraan taasi oo ah mid ay dhowr carruur ah ku waayeen noloshoodii markii ay waxaysan aqoonin ku ciyaareen kadibna ku qaraxday.

Hay’ada Mine Action ayaa waxay maamulada ka jira Dalka ka wacyi gelisaa in miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa laga wacyi geliyo Carruurta hadana waa ay soo laab laabteen dhacdooyinka Carruurta Soomaaliyeed walxo ay ku ciyaarayeen ku qaraxdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here