Qarax caawa ka dhacay Wajeer

Labo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhimatay, lix qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray maqaayad ku taalla bartamaha Wajeer, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad badan.

Goobjooge  ayaa sheegay in uu maqlay jug weyn, isla markaana uu arkay dad meyd ah iyo kuwa dhaawac ah oo yaalla meesha la qarxiyay, kaddibna ay goobta yimaadeen ciidamo boolis ah oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay dhammaantood ahaayeen rayid, mana jirto ilaa hadda cid ka hadashay falka.