Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Faah faah Hordhac ah

QARAX-CopyKoox hubeysan ayaa waxay caawa qarax ku weerareen fariisin ciidanka dawlada ku leeyihiin Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lasheegay inuu ahaa bambaanada gacanta laga tuuro iyadoona lala eegtay Fariisin ciidanka ku lahaayeen Isgoyska Al Baraka ee Magaalada Muqdisho lamana oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Ciidanka la weeraray ayaa qaraxa kadib afarta jiho ufuray rasaas xoogan,waxaana xaaladu ay noqotay muddo mid cakiran inkastoo xaaladu ay hadda tahay mid deggan.

Qof ka mid ah dadka deggan Xaafada Al Baraka ee Degmada Hodan ayaa waxa uu inoo sheegay in dadka ay guryaha ku kala xaroodeen bandaw iskeed ahna xaafadu ay ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here