Qarax Boosaaso lagula eegtay wasiir ka tirsan Puntland

Qarax ayaa maanta magaalada Boosaaso lagula beegsaday wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire xilli uu marayey bartamaha magaalada.

Wasiirka ayaa waxaa la socday xiliga la weerarayey gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan, waxaana qaraxaasi oo ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda laga maqlay inta badan magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in mas,uuliyiinta oo lagu waday baabuur kuwa raaxada ah oo ay galbinayeen ciidamo watay tiknikada dagaalka aysan kasoo gaarin wax qasaara aha.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo badanayey qaraxyada maalmihi ugu danbeeyey, todobaadki hore waxaa ka dhacay in ka badan 4 qarax oo sababay qasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.