Qarax lala Eegtay Saraakiil Puntland katirsan

Wararka ka’imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in xalay qarax lala eegtay taliyaha danbi baarista ee magaalada Gaalkacyo Warsame Yuusuf Axmed oo ah sarkaal ladhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

Qarax ayaa waxa uu ka dhacay xaafada garsoor ee magaalada Gaalkacyo waxaana taliyaha ka soo gaaray qarax dhaawac fudud waxaana uu hada la geeyay isbitaalka magaalada Gaalkacyo

Taliyaha saldhiga dhaxe ee Gobolka Mudug Max’ed Cali Cawil ayaa waxa uu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen Xarakada Al shabaab oouu tilmaamay in 2011 ay qarax nuucaan ookale ah la beegsadeen Tali\yaha dambibaarista Puntland eemaanta qaraxa lala eektay

Marka uu qaraxa dhacay ka dib ayaa waxaa goobta soogaaray ciidamnola tirsan maamulka Puntland kuwaasi oo baaritaanao ay ku baadi goobayaan cidaka dambeysa qaraxa ka bilabay goobta uu qarax ka dhacay oo aan ka fogeyn hoyga uu ka dagan yahay Taliyaha dambi baarisa xaafada Garsoor ee Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here