Qarax ay Shaqaale Katirsan Dawlada ku Waxyeeloobeen oo Maanta ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta duhurnimadii uu ka dhacay qarax aad uxoogan taasi oo faah faahino kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Wariye kusugan magaalada Baladweyne ayaa ku waramaya in qaraxa oo ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aaso meelaha fog fogna laga hago ayaa waxa uu sheegay in labo qofood ay ku dhaawacmeen qaraxaasi kuwaas oo dhaawacooda cusbitaal loola cararay.

Qaraxa waxa la sheegay in labada qof ee ku dhaawacmay ahaayeen shaqaale katirsanaa dawlada hoose ee magaalada Baladweyne waxaana markii qaraxa uu dhacay kadib meesha ay noqotay mid dadku ku kala cararaan.

Ciidamo katirsan dawlada Somalia ayaa howlgalo baaritaano ah kasameeyey goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana jirin dad ay kusoo qabteen howlgalkooda oo lasoo wariyey inkastoo dhalinyarada guryahooda goor horeba iskaga carareen.

Saraakiisha iyo Maamulka Dawlada ee gobolka Hiiraan ayaa xiriir aan la sameynay waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan qaabka uu udhacay qaraxaasi dhaawaca sababay waxayna sheegeen in saacadaha soo socda in saxaafada ay la hadli doonaan.

Taliyaha ciidamada Amaanka Baladweyne Cali Dhuux Mahad Alle oo isna aan taleefoonka kula xiriirnay waxa uu sheegay inay og yihiin inuu qaraxa uu dhacay waxaase uu sheegay in wali ciidamadooda ay baaritaano ku wadaan qaabka ay wax udhaceen iyo baadi goob loogu jiro kooxihii ka dambeeyey qaraxaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here