Qarax ay ku dhinteen 3 qof oo ajaanib ah oo goordhow ka dhacay KM4

Warar sidoo kale goordhow naga soo gaaray agagaarka KM4, gaar ahaan hoteelka nabada ayaa sheegaya in qarax ay ku dhinteen 3 qof oo kamid shaqaalaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa dadka qaarkiis sheegayaan in uu yahay gaari waxyaabaha qarxa lagu xirey, halka warar kale sheegayaan in uu yahay miinada dhulka lagu aaso, qiic madow iyo olol ayaa ka baxay halkii qaraxu ka dhacay, Waxaa la sheegayaa in Qaraxan lala beegsadey Kolonyo gaadiid ah, kuwaas oo ay wateen Shaqaale ka tirsan Hay’adaha dalka Turkiga oo maraayey Wadda KM4, Warar hordhac ah ayaa sheegaya in saddex qof oo ka tirsan shaqaalaha hay’adaha dalka Turkiga Soomaaliya ka jooga lagu diley Qaraxaas, dhaawac kalena uu ka dhashey.

Weeraradaan ayaa kusoo aadaya xili ay doowlada Britain maalmo kahor kadigtay in uu meel gaba gaba ah marayao weeraro ay Al-shabaab damacsanyihiin ineey magaalada Muqdisho ka fuliyaan

Wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idiin soo gudbineeynaa insha alaah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here