Qarax ay haween ku dhaawacmeen oo ka dhacay magaalada Kismayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax ay ku dhaawacmeen illaa afar haween ah uu ka dhacay xarunta maamulka degmada Kismaayo.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid ka dhashay bambaano dhulka lagu aasay waxaana ku dhaawacmay lix ruux. Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa mid kamid ah waxa uu ahaa askari ka tirsan ciidamada amniga magaalada Kismaayo.

Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo ayaa howlgalo ay sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen dad la sheegay in loogaga shakinayo in ay ku lug lahaayeen qaraxan ka dhacay xarunta degmada Kismaayo.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxan hase yeeshee waxaa loo maleynayaa in uu yahay qaraxan mid ka dhashay bambaanooyin dhulka lagu aasay intii aysan ka bixin magaalada Kismaayo xarakada Alshabaab horaantii bishan.

Qaraxyada iyo weerarada dadka rayidka lala beegsado ayaa noqday mid joogto ah tan iyo markii ciidamada huwanta qabsadeen magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here