Qarax ay dadi ku dhinteen oo ka dhacay degmada Luuq

Inta la ogyahay afar ruux ayaa ku geeriyootay afar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Luug ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo lala eegto gaari ay lahaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay wadada dhex marto magaalada, kadib marki lagu qarxiyey miino taalay wadada dhinaceeda oo loo maleynayo kuwa laga hago rimuudka.

Afarta ruux ee dhimatay ayaa laba ka mid ah lagu sheegay dad rayid ah oo wadada marayey halka labada kalana ay ahaayeen askar sida uu inoo xaqiijiyey qof goob jooge ah oo ku sugan Luuq kaasi oo ka gaabsaday in magaciisa lasoo xigto.

Dadka dhaawaca ah oo laba ka mid ahi yihiin rayid waxaa la geeyey isbitaalka degmada Luuq halkaas oo lagu dabiibayo.


Ciidanka dowlada ayaa haatan ka wado xaafadaha degmada Luuq howlgalo baaritaano ah, waxaana ka jira magaalada cabsi xoog leh.

Ma jiro ilaa iyo minka cid sheegatay weerarkaasi, waxaase loo maleynayaa in ay ka danbeeyaan Xarakada Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.