Qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo caawa ka dhacay xerada Badbaado

Laba ruux ayaa ku dhimatay 5 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki lala eegtay qaraxyo miino xerada Badbaado ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo laga maqlay meelo badan oo caasimada ah ayaa la sheegayaa in lala damacsanaa ciidamo ka tirsanaa dowlada KMG Soomaaliya oo la socday gaari kuwa loo yaqaano Cabdi Bile.

Warar kale ayaa sheegaya inuu ahaa qaraxa miino la dhigay goob ay ku qayili jireen ciidamada dowlada ee waardiyeeya xerada Badbaado oo ah tan ugu weyn ee ay ku noolyihiin dadka barakaca ah soo dagay magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa dhamaantood ah dad rayid ah oo ka mid ah barakaca ku jira xerada sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Waa qaraxi ugu qasaaraha badnaa ee ka dhacay Xerada Badbaado uguna horeeyey.

Horaanti bishi hore ayaa sidaan oo kale qarax loola eegtay xero ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku taala xarunta Siliga Ameerikaanka ee degmada Dharkeenleey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.