Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Isgoyska Baar Ubax

Labo ruux ayaa ku geeriyootay shan kale waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax miino oo maanta ciidamo ka tirsan dowladda lagula beegsaday nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Qaraxa oo ahaa mid lagu aasay wado dhinaceeda ayaa ciidamada oo jidka marayay lala beegsaday, yadoo xilligaas wadada aheyd mid aad u mashquul badan oo dad badan marayeen.

Labada ruux ee geeriyootay ayaa dad rayid ahaa, halka saddex askari dhaawacmeen iyo labo kale oo rayid ah, waxaana qaraxan uu saameyn ku yeeshay nawaaxiga Suuqa bakaaraha iyo dadkii suuqa galayay oo hakad ka galay.

Qaraxan miino ayaa ku soo beegmaya xilli habeen hore qof miino ku aasayay inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Black Sea ay ku qaraxday miinada, kaasoo meydkiisa oo cad cad ahaa laga helay wadada.

Falalka amni daro ee isugu jira dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ayaa ah kuwo ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada hada ay galeyso is bedelo la xiriira dhinaca ganacsiga iyo dhismaha.