Qarax Askar Dawlada Somalia Dhimasho iyo Dhaawac Kasoo Gaareen oo ka Dhacay Maanta Afgooye

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aaso ayaa waxa lala beegsaday ciidamo katirsan dawlada Somalia oo kusugnaa bar koontarool oo kutaalla duleedka degmada Afgooye.

Qaraxa ayaa waxa kasoo baxaya qaabka uu udhacay iyo khasaaraha ka dhashay intuba faah faahino kala duwan waxaana lagu soo waramayaa in miinada meesha lagu aasay kol hore kadibna lagu qarxiyey.

Waxaa la sheegay in Askari katirsanaa ciidamada dawlada ayaa la sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray sida dad deegaanka ah ay Warqabad24.com usheegeen.

Busteejada baabuurta Aada Degmada Janaalle oo ahayd meesha qaraxa uu maanta ka dhacay ayaa waxa ay kutaallaa duleedka degmada Afgooye waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo dawlada ah iyagoo daqiiqado kadibna meesha ka tagay.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka degmada Afgooye Mahdi Xasan ayaa saxaafada usheegay in sidoo kale isla maanta ay fashiliyeen qarax nabad diidka sida uu yiri ay ku aaseen degmada Afgooye.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax khasaare kasoo gaaray Askarta dawlada somaliya uu ka dhaco degmadaasi waxaase dad badan ay sheegeen in Al shabaab aan hubeysneyn Afgooye kusugan yihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here