Qaramada Midoobey oo Cambaareysay Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdisho

QM oo ka walaacsan xiisadaha ka taagan Taleex
QM oo Cambaareysay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Wakiilka Qaramada Midoobeey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay ayaa waxa uu ka hadlay Qaraxii xalay fiidkii ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Waxa qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka uu ku sheegay inuu ka xun yahay weerarka lagu qaaday Maqaaxi dadka ku shaaheynayeen oo ku taallay Agagaarka Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho.

Nicholas Kay waxa uu sheegay inay caafimaad urajeynayaan dadka dhaawaca ah isagoo ku tilmaamay weerarkaasi ismiidaaminta loo adeegsaday mid fool xun.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho waxa lala eegtay Baar dadka ku qaxweeyaan oo la yiraahdo Oromo Caffee waxaana uu ku yaallaa inta udhaxeysa Taalada Sayidka iyo Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho waxa qaraxaasi ku dhintay 15 qof dad kabadan halka 20 dad kor udhaafayana ay ku dhaawacmeen.

1 COMMENT

  1. Nicolas kay waa 2 wajiile og waxa dalka ka socda.

    sababtoo ah waxaani ka weyn shabaab, waana dad u tabab baran in dhibka noocaan oo kale ay geliyaan shacab aan wax galabsan.

    inta dadka noocaan ah ee firika qaldan ee lagu waxyeeleynayo dalka kula joogaan. runtii arinta nabadda waa faanoole fari kama qodna.

    laakin dowladda waa iney sharciga horkeentaa, lugana qaadaa SHARCIGA DAMBIILAYAASHAAS, ilaa la helo cida ka dambeysa, cida fuleysa, cida qarashaka bixisey iyo cid kasta oo ku lug leh arintaani, DOWLADDA IYO DADAALKEEDA KA SHAQEYNTA NABADGELYADDA WADANKA ayay dhabar jab ku noqoneysaa.

    DADKAANI WAA DAD LA IDIN SOO ADEEGSADAY, LAGUNA DOONAYO INEY IDIN CABSI GELIYAAN, DADKANA DALKOODA KA CABSI GELIYAAN. WAXAYSE KU XIRANTAHAY SIDA AD ISKAGA DIFAACDAN, UGUANA MIDOWDAAN IN DAMBIILAYAASHA CAQLIGA LAGA XADEY EE FIRKIRKA QALDAN WATO LAGUNA WAX YEELEYNAYO MAALINKASTA SHACAB AAN WAXBA GALANSAN.

    TALO;

    NICOLAS KAY CABEERYN KALIYAH WAX MA TAREYSO, HADII AY DOWLADDA AAD ADIGU KA TIMID KU LUG LEEDADAHAY AGAASIMKA DHIBAATADDA KA DHACDEY MEESHA, WAXAA LAGAAGA BAAHAN YAHAY INAAD COD DHEER UGU SHEEGTO, IN DOWLADAADA IYO CIDDA AAD MATASHO KA DAAYAAN DHIBAATADDA SHACABKA DULMAN EE SOOMALIDA AH. HADDII AY KAA DIIDAN, ISAGA TAG DALKA OO KU DHEH ANIGA SHAQADAASI MA QABAN KARO.

    WABILAAHI TOWFIIQ.

    ALLAHA U NAXIIRSTO DADKII KU WAXYEELOBEY QARAXA, INTII BUKTANA ILLAAHAY HA U FUDDEEYO INEY SI DEG DEG AH KU C.FIMAADAAN..

    TALO KU SOCOTA SOMALIDA ; GAR AHAAN DHANKA AY DHIBAATADDU KA DHACDEY, SOOMAALIYEY CADOW QARSOON AYAA DALKIINA KU JIRA, WAXAYNA IDIN LA DOONAYAAN INAAD KU JIRTAAN NOLOL CABSI AH. OO AAD DALKIINA SI XOR AH OO MADAX BANAAN UGU NOOLAATAN. WAXAASE IDIN LA GUDBOON, INAAD ISKA DIFAACDAAN, ILAASHAATAAN NABADGELYADIINA, SHEEGTAANA KIINA CAQLIGA LAGA XADEY…

    TALO KU SOCOTA DOWLADDA ; TANI WAA INEY NOQOTAA TII UGU DAMBEYSAY EE DALKA KA DHACDA, DOWLADDA WAXAA LOGOA BAHAN YAHAY IN BAARITAANKA,MAXKAMADEYNTA IYO CIQAABIDDA DAMBIILYAASHA KA NOQOTO MID DAACAD AH, OO WADDO SAX AH LOO MAREY, SI LOO XAKEEMAYO DHIBAATADDA NOOCAAN OO KALE AH INEY MAR KALE KA DHACDO DALKEENA.
    MIDA KALE DOWLADDA WAA INEY ISKA DHISTAA DHANKA DAMBI BAARISTA, IYO WALIBA BAADIGOOBKA WALXA QARXA EE DALKA YAALO, WAA MASUULIYADD DOWLADEED. MAAHA OO KELIYAH IN MARKII DHIB DHACO LA CALAACALO OO LA YIRAAH WAA KA XUNAHAY, EE WAA IN LA SAMEEYAA KA HOR TAG.
    BAABUURKA LOO SOO ADEEGSADAY ARINTAN, WA IN LA HELAA SHAQSIGI LAHAA, TAARGO NAMBARKISA IWM…WAXA FUDUDAANAYO IN DAMBIGAAASI CIDA KU LUGTA LAHAYD LA HELO..
    MAHADSANIDIIN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here