Qaramada Midoobeey oo Dar daaran usoo jeedisay R/wasaare Sharma’arke

514854-bankimoonXoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa marka hore soo dhaweeyay soo magacaabistii ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo madaxweynaha Soomaaliya uu soo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014.

Ban ki-moon, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ay ka rajeynayaan in dumarka ay qeyb weyn ka noqdaan xukuumada cusub ee la filayo inuu soo dhiso Cumar C/rashiid Cali, ayna horay u socon doono xukuumadiisa.

Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa sheegay in loogu baaqay madaxda ugu sareyso dalka inay si wadajir ah isula shaqeeyaan, ayna la yimaadaan hab macquul ah oo siyaasadeed, sida afhayeenka uu sheegay.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay ka shaqeeyaan sidii gobolada dalka looga hergelin lahaa nidaamka federaalka iyo sidoo dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka dalka.

Hoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulihii ugu dambeeyay ee dhanka amaanka laga gaaray ay horseedayaan dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta.

Sidoo kale Ban Ki-moon ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ay ku taageeri doonaan dhanka horumarinta nabad galyada, horumarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here