Qaramada Midoobay oo xayiraadi ka qaaday bankiyada Libya

Golaha Amaanka ee Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso ayaa xayiraadi ka qaaday bankiga dhexe ee dalka Libya iyo sidoo kale bankiga maal gashiga dibada.

 

Tani ayaa caawin doonto in Libya ay kasoo kabato dhibaatooyinka dhinaca kaash la,aanta ah ee ay baryahan la tiicayeen bunuukta dalkaasi.

Waxa kale oo cuna qabateyntaani albaabada u balaqeysaa in dowlada cusub ee dalkaasi dib u hesho malaayiin lacago doolar ah oo uga xayirnaa dalal aduunyada ka mid ah.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyana raacay wadadaan iyaga oo fasaxay lacagihi Libya ee yaalay bankiyadooda.

Hantiada dibada ka taalay bankiyada Libya ayaa la xayiray horaanti sanadkaan taasi oo qeyb ka aheyd dagaalki ay reer Galbeedka kula jireen rajiimki hore ee Libya ee uu hogaamin jiray hogaamiyihi la dilay ee Col Muammar Gaddafi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com