Qaramada Midoobay oo Shiinaha ku Eedeeyey in ay Hub Geeyaan Soomaaliya

Fadhi ey golaha amaanka ee QM ku yeesheen xaruuntooda magaalada New York ayaa waxey sheegeen in dowalada shiinaha ey hub u dirto dalka soomaaliya.


Golaha ammaanka ayaa ka dalbaday Dowladda Shiinaha inay joojiso faro gallinta dhinaca hubka ee ay ku hayso dalka Soomaaliya, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ay ku mashquulsan yihiin sidii loo heli lahaa ammaan iyo kala dambeyn, haddana Soomaaliya ay ku jirto xilli xasaasi ah oo la fillayo in la helo Dowlad midnimo qaran oo la wareegto dalka Soomaaliya.


Quburo ku xeel dheer dhinaca hubka oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa tibaaxay in ay heleen macluumaad muujinaya in Shiinuhu marar badan uu si qarsoodi ah hub u galiyay dalka Soomaaliya, taasi oo Qaramada Midoobay ay ka wal wal qabto inay sii fogeyso dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya.


Sikastaba Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in Shiinuhu iyo dalalka kale ee Caalamka ay ixtiraamaan cunna-qabteynta dhinaca hubka ah ee horey loo saaray Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagaan Dowladda cusub ee Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com


Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here