Qaramada Midoobay oo mudo 17 sana ah kadib xafiisyo ka furatay Muqdisho

Jimciyada qurumaha ka dhaxeyo mudo 21 sana ah kadib maanta ka furatay magaalada Muqdisho xafiiskeedi dhinaca siyaasada.

Xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada oo ay kasoo qeybgaleen madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra’isulwasaaraha¬† ayaa waxaa warqadaha safiirnimo halkaasi ku wareejiyey ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Mahiga ayaa ku wareejiyey warqadaha madaxweynaha oo isna ka gudoomay, waxaana uu ku tilmaamay xafladaan mid taariikhi ah.

Mr Mahiga waxa uu uga mahad celiyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed si wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Muqdisho, waxa kale oo uu carabka ku adkeeyey in xafiiskan uu ka shaqeyn doono horumarka dalka Soomaaliyeed.

Waxaa marki munaasabada xarig ka jarista xafiiska Qaramada Midoobay laga sameeyey madaxtooyada kadib ay madaxda dowlada iyo kuwa UN-ka u dhaqaaqeen dhankaasi iyo Xalane oo laga furayo xafiiska Qaramada Midoobay.

Waxaa haatan ka socoto xarunta Xalane munaasabada furitaanka xafiiska, iyadoo ay ka hadli doonaan madaxda dowlada.

Wixi kasoo kordo dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.