Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la baaro dilka Xildhibaan Mustaf

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya Agustine Mahiga ayaa cambaareeyey dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

War saxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa ayuu Mr Mahiga ugu baaqay in lagu sameeyo dilka xildhibaanka baaritaan madax banaan si loo keeno cadaalada kuwi ka danbeeyey weerarkaasi.

“Xildhibaanka waxa uu ahaa mid lagu soo doortay hab cadaalad ah oo ceeb ka saliin ah, wuxuu ku yimid hab wadatashi iyo inuu wakil ka ahaa dadkiisa, waxaa uu qeyb ka ahaa xildhibaanada u shaqeynayo dalkooda iyo dadkooda waqtigaan dhibka badan ee uu dalka marayo,’ ayuu yiri.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dilka xildhibaanka uu imaanayo xilli ay biloow tahay shaqada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo Dowlada.

“Bixitaanka xildhibaankan waxay kusoo aadeysaa waqti aad uu ubilow u yahay nolsha baarlamaanka kaasi oo ka shaqeynayo in Soomaaliya ay marto wadada saxda ah, isla markaana dhawaan uun soo doortay dowlad, tani waxay na xasuusineysaa caqabadaha ku hor gudban hey’adaha cusub ee dastuuriga ah iyo kuwa maamul,” ayaa lagu yiri warkaasi kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Maalmahan waxaa aad faraha uga baxay amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo ay kusoo bateen dilalka qorsheyan iyo weerarada is qarxinta ah oo ay sameynayaan Xarakada Al Shabab.

Khamiistii weerar loo adeegsaday is qarxin ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 18 ruux oo ay ku jireen sadex wariye iyo sidoo kale dad u badnaa rayid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here