Qaramada Midoobay oo ergay cusub u magacaawday Soomaaliya

Danjiraha cusub ee QM arrimaha Soomaaliya Mr. Mr Nicholas Kay
Danjiraha cusub ee QM arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta u magacaabay Mr Nicholas Kay oo u dhashey dalka Britain inuu noqdo ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Mr. Ban ayaa saxaafadda ugu sheegay in Mr. Kay uu beddelaayo Danjire Augustine Mahiga, oo shaqadiisa dhameysanaya ilaa 3da bisha June ee sannadkan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Miboobay uu amaaney shaqadii wanaagsaneyd ee uu muddada 3-da sano ka soo qabtey Soimaaliya, taas oo horseeddey dhismaha dowlad rasmi ah oo ka hanaqaaddey Soomaaliya iyo horrumar la gaaray nidaamkii ku-meel-gaarka.

Ergeyga cusub ee loo magacaabey in uu noqdo danjiraha QM ee arrimaha Soomaaliya ayaa haatan wuxuu yahay Agaasimaha Africka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain.

Mr Kay ayaa la sheegay in uu dhashey sannadkii 1958kii. Waxaa uu leeyahay xaas iyo saddex carruur.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com  ,  midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here