Qaramada Midoobay oo cambaareysay qaraxi Yemen

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey qaraxi ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu dilay ku dhawaad 100 ruux oo Yemaniyiin ah kuwaasi oo u badnaa askar ka tirsan milatariga.

Bayaan kasoo baxay golaha ayaa qaraxaasi lagu tilmaamay filic waxushnimo ah, isaga oo wacad ku maray in lala dagaalami doono nooc walba oo argagixasadu tahay.

Al Qaacidada Yemen oo sheegatay qaraxa ayaa ku tilmaantay mid ay uga aar gudanayeen weeraro ay maalmahan dowlada ka fulineysay gobolada ay ku xoogantahay Al Qacida.

Madaxweynaha Yemen Abd Rabbo Hadi Mansour ayaa wacad ku maray in talaabo weyn oo ka dhan ah maleeshiyaadkaasi uu qaadi doono, isaga oo intaasi ku daray inuu sii socon doono dagaalka ka dhanka ah Al Qaacida.

Al Qaacidada Yemen ayaa awood balaaran ku leh dhanka koonfureed gaar ahaan gobolka Abyan, waxa ay sheegeen in halkaasi ay ka hir galiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.