Qaramada Midoobay oo cambaareysay dilki shalay Matabaan loogu geystay shaqaalo ka tirsanaa WFP

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki-moon ayaa si xoog leh u cambaareeyey dil shalay gobolka Hiiraan loogu geystay laba sarkaal oo ka tirsanaa Hey’ada Cunada Aduunka (WFP).

Xoghaha guud ayaa ugu baaqay maamulada Soomaalida ee ka talyaha meelaha ay ka shaqeyso WFP in ay sugaan oo xaqiijiyaan amaanka shaqaalaha gargaarka si ay u gutaan waajibaadka saaran.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Martin Nesirky  ayaa sheegay in ay rajeynayaan in kuwi ka danbeeyey dilki loo geystay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee lagu dilay Matabaan in la hor keeno cadaalada.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay WFP ninka dilay sadexda nin ee labana ahey shqaalo WFP midna uu ahaa gudoomiyaha hey’ad xiriir la la WFP ayaa isu dhiibay ciidamada maamulka deegaanka ka taliya.

Shalay barqadi ayey aheyd marki nin hubeysan uu ku dilay degmada Matabaan 3 nin oo laba ka mid ahi ka tirsanaayeen WFP, waxaana gacan ku dhiiglaha oo kasoo jeedo deegaanka hada ku xiranyahay degmada Matabaan.

WFP ayaa go,aansatay in ay si KMG ah u joojiso howlaha ay ka heysay Matabaan ilaa laga baarayo kiiskaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.