Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka hadlay dilkii Agaasimihii hore ee Somaliweyn

Qaramada midoobay iyo midowga Afrika ayaa waxa ay war saxaafadeed kala duwan ka soo saareen dilkii dhowaan lagu diley agaasimihii hore ee idaacadii Somali Weyn allaha u naxariistee Marxuum Abuukar Xasan Maxamuud Kadaf.

War saxaafadeedka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa ku saxiixnaa Uqaabilsanaha QM ee dalkan Soomaaliya Augustine Mahiga waxaana lagu cambaareeyay Dilkaasi loo geystay agaasimihii Soomaaliweyn.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “dilkii agaasimihii raadiyihii Soomaaliweyn Abuukar kadaf waxa uu ahaa  mid wuxushnimo ah”

Augustine Mahiga ayaa ugu baaqay Dowladda KMG Soomaaliya in ay si deg deg ah cadaalada u horkeento ragii ka dambeeyay dilkaasi oo ay baaritano ku sameyso.

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha ciidamada AMISOM Ambassador Boubacar Diara  ayaa lagu cambaareyay falkii lagu dilay Allaha u naxariistee agaasimihii Raadyihii Soomaaliweyn.

War saxaafadeedkaan ka soo baxay ururka Midawga Afrika  ayaa waxaa lagu sheegay in dilka agaasimihii Idaacadii Soomaaliweyn Abuukar Xasan Max’ud Kadaf uu yahay mid liddi ku ah xaquuqda Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaana loogu baaqay dawlada KMG inay baaritaano deg deg ah ku samayso shaqsiyaadka ku lugta leh dilka Saxafiyiinta.