Qalalaaso wali Gaza kasii soconaya {Sawiro}

Marinka Gaza ayaa wali waxaa kasii socda qalalaaso iyadoo ay jiraan warar laysla dhexmarayay oo sheegaya ineey dhowdahay in xabad joojin laga gaaro colaada udhaxaysa Xamaas Iyo Srael.

Srael ayaa cusbooneesiisay duqeyntii ay ku bartilmaameedsaneeysay Gazza, kaib markii qaybo kamid ah Gaza laga maqlay qaraxyo waaween habeenkii xalay ahaa, magaalada ayaa ah midaan lahayn wax koronto ah.

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa ineey dhinteen maalintii shalay ahayd.

Srael waxay sheegtay inuu dhintay mid kamid ah askarteeda kadib markii dagaalyahanada xaq udirirka reer Falastiin ay qayaastii 150 gantaal ku rideen dhanka Srael, taasoona tirade Srael kadhimatay ilaa hada kadhigeeysa 10 qof.

Waan waan labada dhinac laga dhexwado:

Waxaa socota waan waan ay wado doowlada Masar, waxana gobolka gaaray maalintii shalay ahayd Xoghayaha guud ee arimaha dibadda dalka mareeykanka Hillary Clinton oo lakulantay RW dalka Srael.

Srael oo ka laabatay weerarka dhulka ah oo ay ku gali lahayd Gaza:

Xukumadda Israel ayaa hakad gelisay howlgal dhinaca dhulka ah oo u qorsheysnaa inay ku gasho magaalada Qaza, iyadoo dhinaca kale dadaalada diplomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu xaliyo dabka ka holcaya gobolka, ay xoogeysteen talaadadii shalay.

Waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro duqeynta dhinaca cirka ah ee ay Israel ku heyso Qaza iyo gantaalada ay kooxda xamaas la dhaceyso dhulka Israel ee galay maalintoodii sideedaad.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa xalay kula kulantay magaalada Qudus Ra’isul Wasaaraha Isreal Binyamin Netanyaho, iyadoo uga sii gudbeysay deganka Ramalah oo ay kula kulmeysay Madaxweynaha Falastiiniyiinta

Maxamuud Cabaas, ka hor inta aysan u duulin maanta oo arbaca ah magaalada Qaahira oo ay kula kulmeyso Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi.

Labaduba Isreale iyo Xamaas waxey sheegeen inay diyaar u yihiin in Diplomaasiyadda la siiyo fursad.

Dhinaca kale heshiis xabad joojin ah oo ay Masar garwadeen ka tahay oo lagu waday in xalay lagu dhawaaqo ayaa dib u

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here