Kubbado loogu deeqay guddiga Olombikada Hiiraan

Kubbado loogu deeqay guddiga Olombikada Hiiraan
Kubbado loogu deeqay guddiga Olombikada Hiiraan

Maamulka gobolka Banaadir ayaa 100 kubbadaha cagta ah ugu deeqeen maamulka Olombikada gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka qaybgalay xaflad lagu soo bandhigiyay kubbadahan ayaa sheegay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay horumarinta dhallinyarada iyo cayaaraha.

Guddoomiyaha guddiga Olombikada gobolka Hiiraan Cabdikariin Xasan ayaa sheegay in ay ciyaaruhu qeyb weyn ka qaataan nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.

Wuxuu xusay in ay dhallinyaradu u baahan tahay in lagu dhiirrageliyo ciyaaraha, si looga hortago in siyaabo qaldan loo adeegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here