Qalab Sports oo la siiyay guddiga cayaaraha Jubbada Hoose

210Xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho,ayaa qurbo joog ka timid gobalka Jubbada Hoose waxa ay qalab Sports ugu deeqeen guddiga cayaaraha kubadda cagta gobalkaas.

Qalabka oo ka koobnaa dhowr joog oo Funaanado ah iyo Buumayaal  lagu dheelo kubadda cagta ayaa waxaa Muqdisho soo gaarsiiyey Wakiilka GOS ee Zone-4 Maxamed Muuse Cabdi (Jabroos) oo kamid ahaa xidigihii Jubadda hoose la qaaday  koobabkii  cayaarihii Gobollada.

Xafladda gudoonsiinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno katirsan Gudigga Olombikada ee GOS, mas’uuliyiin Gudigga Kubadda Cagta ee Gobolka Jubbada Hoose iyo qaar katirsan bahda saxaafadda dhanka cayaaraha ah.

Wakiilka Zone 4 ee GOS Maxamed Muuse Jabroos oo kahor inta uusan qalabka ku wareejin Guddoomiyaha guddiga Kubadda cagta ee Jubbada Hoose, Burhaan Maxamuud Xassan (Kukuuyo) halkaasi ereyo ka jeediyey ayaa sheegay in qalabkaasi ay soo dhiibeen bahda Cayaaraha ee qurba joogta ah ee kasoo jeeda Gobolka Jubada hoose, kuwaasi oo ku nool dalal ku yaala dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Maxamed Muuse Jabroos ayaa sheegey in qurba joogta reer Jubadda Hoose ay mar walba ka warqabaan baahida dhinacyada kala duwan ee Isboortiga ee kajirta Gobolka,isagoo xusay in qalabkan uusan dabooli karin baahiyahaasi, laakiin uu yahay bilow oo keliya.

Burhaan Maxamuud Xasan (Kukuuyo) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeeyntii u mahadceliyey Wakiilka Olombikada ee Zone-4 Maxamed Muuse iyo sidoo kale  dhammaan intii gacanta ka geeysatay soo dhiibista agabkaasi,oo uu xusay in qurba joogta Jubadda Hoose ay ka filayaan inay sii laba laabaan  dadaalkooda daboolida baahida dhinacyada Isboortiga ee Gobolka,oo la xusuusto taariikhda uu  ku leeyahay kubadda cagta ee dalka sida uu yiri.

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ka dhacday doorashadda guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here