Qalab casri ah oo lagu soo kordhiyay amaanka Garoonka Muqdisho-Video

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wixii ka danbeeyey weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee 2-dii bishii Febraayo lagu qaaday mid kamid ah duullimaadyada shirkadda Daallo ayaa waxaa is-badal dhinaca sugidda amniga ah lagu sameeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Dadka doonaaya inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa baaritaano kala duwan lagu marsiinaa Garoonka, waxaa jira Eeyo ka qeyb qaata baaritaanada, iyadoo Saraakiisha ay su’aalo afka ah weydiiyaan rakaabka qaarkood.

Baaritaanadan, ayaa waxaa iska kaashada Saraakiisha Nabad Suggida & Booliska ee ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliya, Saraakiisha Maamulka FAVORI oo maamula amaba gacanta ku haaya Garoonka Aadan Cadde iyo Saraakiil ka tirsan Amisom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here