Qabashada araajida oo maanta ku eg

Waxaa maanta oo jimco ah ku ekaa markii loo qabtay ineey musharaxiinta utartameeysa xilka gudoomiyenimada baarlamanka kusoo gudbiyaan araajida.

Cismaan Libaax oo ah Afhayeenka Guddiga diyaarinta Doorashooyinka Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyenimo ee barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Musharixiinta looga baahan inay soo gudbiyaan Araajidooda.

Afhayeenka ayaa sheegay in markii hore ay aheyd in labada Duhurnimo ee maanta lagu ekeeyo araaji qabashada, hase ahaatee ugu dambeyn ay ku egtahay Lixda Maqribnimo si dhamaan Musharixiinta ay usoo gudbiyaan Araajidooda.

Siyaasiyiintaan u taagan ayaa waxaa ka mid ah Cali Khaliif Galyer oo horay dalka uga soo noqday Ra’isulwasaare, iyo C/rasaaq Jurille oo labaduba kasoo jeedo beesha Daarood, labada kalana waa Prof. Jawaari oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kasoo jeedo Dir.

Sida looga bartay gudoomiyaha baarlamaanka, waxaa dowladihi dalka soo maray dhamaantood kusoo bixi jiray nin kasoo jeedo beesha Digil iyo Mirifle, hase yeeshee waxay haatan u muuqataa in xilkaas ay ku loolami doonaan beelaha Soomaalida.

Sidoo kale Afhayeenka Guddigga diyaarinta Doorashooyinka Musharixiinta ee barlamanka ayaa sheegay in Waqtiga loogu talagalay in la qabto Doorashada Afhayeenka barlamanka ay tahay mid ku fillan islamarkaana lasoo gaba gabeyn doono oo aan laga dib dhici doonin, isagoo tilmaamay in dhowr musharax ay u taagan tahay qabashada xilkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Muddooyinkii dambe ayaa guddiga doorashooyinka Afhayeenka barlamaanka waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii barlamanka Soomaaliya uu u yeellan lahaa hoggaamiye cusub, iyadoo ay isu soo taageen xilkaasi Musharixiin badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here