Qaban qaabo xoogan oo Saaka ka socota Kismaayo

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in saakay halkaas laga dareemayo qaban qaabo Xoogan oo ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Jubaland.

Musharaxiinta u tartameysa ineey qabtaan xilka madaxweyninimo ee Jubaland, ayaa la sheegayaa ineey kusii qul qulayaan magaalada, iyadoo shalay uu halkaas gaaray Prof Gaandi, oo kamid ah dadka sida weyn loo hadal haayo ineey qabtaan xilkaas.

Sidoo kale warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ergooyin ajaanib ah ay magaalada Kusii qul qulayaan, kuwaasoo ay diyaarado kasoo daabulayaan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ayaa la sheegayaa sidoo kale ineey saakay dul heehaabayaan magaalada Kismaayo, kuwaasoo sida la sheegay kasoo kicitamaya maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebta Kismaayo, diyaaradahaan ayaa sida la sheegay waxay ka qayb qaadanayaan sugitaanka amaanka.

Doowlada Soomaaliya ayaa iyada horay u shaacisay ineey kasoo horjeedo shirka ka soconaya Kismaayo, laakiin sida ay hada wax u socdaan waxay u muuqataa in maamulka Kismaayo iyo Jubooyinka ay doowlada Kenya la wareegtay, maadaama iyada shaqsiyaadkii kasoo horjeeda shirka Kismaayo kasoo celineyso halkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here