Qaban-qaabada Aaska Marxuum Sh. Maxamed Yuusuf Xeefoow Oo Saakay Muqdisho kasocota

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socda qaban-qaabada aaska gudoomiyihii gudiga Fulinta ururka Ahlu-suna, Shiikh maxamed Yuusuf “Xeefoow” oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dawlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in masuuliyiin heer wasiir ah ay ka qeybgali doonaan aaska marxuum Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ahaa gudoomiyihii fulinta ururka Ahlusuna oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska oo maanta 14 Febraayo 2013 ka dhacaya magaalada Guriceel ka dib marka meydka marxuumka loo qaado halkaasi.

Dhanka kale qaban-qaabada aaska marxuumka ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Guriceel, waxaana aaska halkaasi uga soo qeybgalaya masuuliyiinta kala duwan ee ururka Ahlusuna ee gobolka Galgaduud ka arrimiya iyadoo wufuud culimo, ganacsato iyo dadweyne ay ka kala imaanayaan magaalooyin ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud si ay aaska Sheekh Xeefow uga qeybgalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here