Qaba qaabo lagu aasayo agaasimihi hore ee Radio Somaliweyn oo socaneyso

ALL ha u naxariistee waxaa saakay lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso  Abukar Xasan Maxamuud Gadaf oo ahaa agaasimihi hore ee Radio Somaliweyn kaasi oo ay xalay dileen kooxo hubeysan.

Marxuumka ayaanan la shaacin halka lagu aasi doono, hase yeeshee waxaa la filayaa in la geeyo qabuuraha Baqdaad ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo aheyd halka lagu dilay xalay maqribki.

Dilka Abuukar Gadaf ayaa waxa cambaareeyey qeybaha kala duwan ee warfaafinta iyo ururada bulshada rayidka ah, iyaga oo ku tilmaamay dil wuxushnimo ah.

Gudoomiyaha ururkada bulshada rayidka ah ee Muqdisho, Muxidiin Xasan Afrax ayaa ku eedeeyey dilkiisa in ay ka danbeeyaan ururka Al Shabaab ee dhawaan ku biiray Al Qaacida.

Waa dilki 3-aad oo loo geysanayo saxafiyiinta magaalada Muqdisho, labadi bilood ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho lagu dilay C/salaan Xiis iyo Xasan Fantastik.