Qaarkamid ah maxaabiistii uu madaxweynaha cafiska ufidiyay oo dhac iyo kufsi kabilaabay magaalada Muqdisho.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxa kusoo kordhayay falalka dhaca iyo kufsiga ah kuwaas oo ay geysanayaan qaar kamid ah maxaabiistii uu dhawaan cafiska ufidiyay madaxweyne shariif.

Xaafada Juungal oo kamid ah xaafadaha degmada Yaaqshiid ayaa xalay waxaa dhac loogu geystay dad farabadan oo laga qaatay moobeelo iyo lacago,sidoo kale waxaa lagu fara xumeeyay mid kamid ah gabdhaha ku dhaqan halkaa.

“War ninyahow xalay waxaa xaafada kadhacay dhac baahsan oo ay geysteen rag katirsan ciidamada doowlada oo horay xaafada dhac uga geysan jiray balse uu xukumay Muungaab” ayuu noo sheegay maxamed oo kamid ah dadka degan Jungal.

Maxamed ayaa intaas kusii daray hadalkiisa “Doowlada waxaan ugu baaqeeynaa ineey askartaan naga qabato oo ay ku celiso gaalshirihii laga soo daayay,xaafada ayayna nala daganyihiin waxaana kamid ah askari xaafada wax kadagan oo uu muungaab ku xukumay 5sano”.

Sidoo kale waxaa saakay ayaa qaar kamid ah askarta ciidanka doowlada ay isbaaro soo dhigteen isgoyska afarta jardiin iyagoo si bareer ah lacag baad ah kaga qadanayay baabuurki soo istaaga halkaas,sidokale waxay baaranayeen dadka saaran gawaarida.

Cabdi Muxumed oo kamid ah darawalada kashaqeysa baabuurta Bl-ka ah ee isga kala gooshta X/weyne ilaa Hotel Ramadaan,ayaa noo sheegay in saakay laga qaaday lacago baad ah,wuxuu kaloo sheegay in dadka saaran baabuurta la baaranayay,iyadoo meel aan sidaas uga fogeyn ay ku taalo laanta suuq bacaad oo lacago canshuur ah looga qaaday baabuurta,taasoo umuuqata ineey iska warqabaan maadama ay isku muuqdaan.

Waxaa xusid mudan in masuuliyiinta Doowlada iyo saraakiishaba ay ku mashquulsanyihiin doorashooyinka,halka askartiina ay shaqo kadhigteen shacabka iyo ineey dhacaan,maadaama aysan jirin cid laxisaabtameysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here