Qaar Katirsan Masuuliyiinta Doowlada Oo Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq (Warbixin)

Gudiga dabagalka QM uqaabilsan arimaha Somalia ayaa waxay warbixin dhowr bage ah kasoo saareen musuqmaasuq ay ku kaceen qaar kamid ah madaxda Doowlada KMG.

Warbixintan lasoo saaray ayaa waxa kujira masuuliyiinta dalka ugu sareysa waxaana kaalinta koowaad kaga jira wasiirkii hore ee maaliyada ahna hadda Gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan,iyo madaxweyne Shariif Shiikh Axmed,Ra’iisul wasaare C/wali Gaas, iyo Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo.

warbixintaan ayaa Ra’iisul wasaare C/wali lagu eedeeyay inuu faragalin kusameeyay maamulka canshuuraadka isagoo shirkado iyo shaqsiyaad qaar uu amray in laga dhaafo canshuurta isagoo xujo uga dhigay ineey ushaqeeyaan doowlada waxaana warbixinta lagu sheegay in lahayo warqado iyo taleefano cadeeynaya arintaas.

Sidookale xukuumada C/wali Gaas ayaa lagu eedeeyay ineey si qaldan u adeegsatay qarahsaadka soo galay xukuumada, tusaale ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo kan gudoomiyaha baarlamanka sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya waxaa ku baxay qarashaad dhan 12.6milyan oo doolar halka dhamaan wasaaradaha iyo xafiisyada kalena ay ku baxeen lacag dhan 15.4milyan oo doolar.

laakiin madaxweyne Shiikh Shariif ayaa lagu eedeeyay isna inuu ku takri falay lacag 3 million ahayd waxaana warbixinta lagu sheegay in lacagtaas uu madaxweynaha farta kasaaray nin ay qaraabo yihiin islamarkaasna haysta dhalashada dalka kenya oo lagu magacaabo Cabaas Shiikh Maxamed Jimcaale, sidookale madaxweyne shariif waxaa lagu eedeeyay inuu malaayiin doolar ku qarash gareeyay safaradiisa dibadda.

sidookale warbixintan waxaa kujira oon ka badbaadin Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo,ayaa lagu eedeeyay in lacag 10million oo doolar ahayd islamarkaasna ay ku deeqday doowlada imaaraadka ay qasnada doowlada kusoo dhacday 6.5 milolion oo kaliya.

warbixintan ayaa sidookale lagu sheegay in uu jiray musuqmaasuq dhanka baasaboorada ah ay jirtay iyadoo qaar katirsan dagaalyahanada Alshabaab lasiiyay Baasabooro ay ugu safraan dibadda waxaana kujiray ugu yaraan mid kamid ah masuuliyiinta Al-shabaab.

sidookale warbixintaan waxaa lagu sheegay in Maxamed Cabdi Xasan oo ah mid kamid ah burcad badeeda ugu waaween Somalia uu helay Baasaboorka cagaaran islamarkaasna uu kadhoofay Garoonka Aden Adde masuuliyiinta doowladana lagu wargaliyay arintaas waxna aysan kaqaban.

sidookale warbixintan ayaa lagu soo hadal qaaday madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu eedeeyay inuu kaganacsado Hub si sharci daro ah loosoo galiyo dalka iyadoo ay saarantahay xayiraada QM sidookale Faroole waxaa lagu eedeeyay in ololaha xiligii uu isku sharaxay madaxtinimada puntland uu adeegsaday lacag uu kahelay qaar katirsa n Burcad-badeeda.

warbixintaan ay soo saartay hay’ada Monitoring ee QM uqaabilsan arimaha dabagalka Somalia ayaa lagu wadaa ineey folkaano kadhex qarxiso siyaasada Somalia gaar ahaan marka Golaha amaanka ay arintaan fadhi kayeeshaan islamarkaasna ay qaraar kasoosaaraan cida ay ku cadaato waxyaabaha kuqoran warbixintan, sidookale warbixintan ayaa noqon doonta mid sumacada kahalaysa masuuliyiinta ugu sarsaeysa Doowlada KMG

Sadexda masuul ee ugu sareysa Dalka ayaa hada mid walbo waxa uu utaaganyahay xilka madaxweyninimo ee dalka Somalia kadib xiliga kala guurka hadabo Suaasha meesha taagan ayaa waxay tahay saameeyn intee la’eg ayay kuyeelankartaa warbixinta ay soo saartay Monitoring iyo ololaha doorashadooda?

Source:http://graphics8.nytimes.com/packages/pdf/world/20100317somalia.pdf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here