Qaar katirsan beelaha Soomaalida oo ka cabanaya habka soo xulista Baarlamanka cusub

Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay waxaa kadhacayay kulamo iyo wada tashiyo ay lahaayeen beelaha soomaaliyeed oo ku aadan soo xulista xubnaha cusub ee badali doona baarlamanka hada jira,beelaha qaarkood ayaa ku doodaya in laduudsiiyay xuquuqda ay ku lahaayeen kuraasta baarlamanka waxayna magaalada muqdisho ku qabteen shirar jaraa’id oo ay cabashooyinkooda ku muujinayaan.
Suldaan C/naasir axmed Shi. Muuse oo kamid ah oday dhaqameedyada soomaaliyeed ee kusugan muqdisho ayaa sheegay in gabi ahaanba loo diiday ineey xilidhibaano kuyeeshaan mudanayaasha cusub ee lasoo xulayo.

“Muhiimadda maanta halkaan laysugu yimid waxay ku saabsantahay dhib ay tabaneeyso beeshaa saleebaan C/lle oo ku saabsan doowlada maanta layiri Soomaaliyaa loo dhisahayaa, anoo kuhadlayo codka beesha Saleebaan C/lle,Suldaan C/naasir Axmed Shiikh Muuse layiraahdo wakiilna u ah ineey soo gudbiyo waxa ay beesha tabaneeyso ayaan cadeeynayaa in beesha laduudsiiyay xaqqa ay u laheeyd ineey kuraas ku yeelato Baarlamanka cusub ee soomaaliya loosoo dhisi doono”.

Suldaanka waxa uu sheegay in baarlamankii lagu soo dhisay Embagaati ay ku lahaayeen 2 xilibaan balse hadda lagu yiri wax xilibaan ah kuma lihidiin baarlamanka cusub, taasna uu ku tilmaamay xaqdaro iyo dulmi aan loo dulqaadan karin.

Xilibaanada Baarlamanka qaarkood ayaan ku qanacsaneen sida loosoo xulayo baarlamanka cusub waxayna cadeeyeen in cadaalad darro ay kajirto habka kuraasta baarlamaanka loo qeeybsanayo.

Cabashooyinka beelaha ayaa sii badanaya waxayna odayaasha beelaha qaarkood sheegeen in hadii aan lasiinin kurasta ay kulahaayeen baarlamanka cusub ay isaga baxayaan dowolada cusub ee dhisideeda lagu howlanyahay.

Cabashooyinka beelahan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada muqdisho uu kasoconayo kulan lagu ansixinayo qabyo qoraalka dastuurka iyo odoyaasha dhaqanka oo ku hoowlan soo xulista baarlamanka cusub ee badalaya baarlamanka hadda jirra.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here