Waxgaradka & Qurbajoogta Hiiraan oo sheegay ineeysan tageen magaalada Jowhar

dacar xirsi nuurQaar kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan iyo Qurbajoogta Gobolkaas, ayaa qaadacay ineey tagaan oo ay ka qeyb galaan shirka maamul u samaynta maamulka Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ee dhawaan ka furmi doona magaalada Jowhar.

Odoyaasha dhaqanka iyo Qurbajoogta Hiiraan ee qaadacay ineey tagaan Jowhar, ayaa sabab uga dhigay inaan si rasmi ah laysugu raacin halka la dhigaayo gogosha shirka maamul u samaynta labada Gobol.

Dacar Xirsi Nuur, oo ah Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in reer Hiiraan ay u baahanyihiin wadahadal dheeraad ah oo dhinacyada kala duwan oo dhan isugu imaanaayaan, si ay tallo mideeysan u yeeshaan.

Dacar Xirsi Nuur, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo go’aankii ay la qaateen Madaxweyne Xasan Shiikh, ee ahaa in la tago magaalada Jowhar.

Dhinaca kale Tabane Sabriye, oo kamid ah Qurbajoogta reer Hiiraan, ayaa ka dhawaajiyay in Odoyaal gaar ah lagu qasbay ineey tagaan magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in 3 Oday oo keliya ay ogolaadeen.

Hadalkaan kasoo yeeray waxgaradka iyo Qurbajoogta Hiiraan, ayaa dhabarjab weyn ku noqonaya Hadal maalmo kahor kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Shiikh, kaasoo ahaa in Odoyaasha iyo waxgaradka Hiiraan ay aqbaleen ineey tagaan magaalada Jowhar, halkaasoo ay taalo gogosha maamul u samaynta Labada Gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here