Qaar kamid ah Shacabka Syria oo bilaabay ineey quutaan Hilibka Libaaxyada+Sawir

Qaar kamid ah Shacabka Syria oo ay soo wajhaday Xaalad Bini’aadanimo, ayaa bilaabay ineey Qashaan oo ay Cunaan Hilibka Libaaxyada kujira meelaha lagu xanaaneeyo Duur-joogta, waxayna tan muujineysaa heerka ay gaarsiisantahay Xaalada kajirta dalkaas.

article-2515514-19B978D100000578-883_634x441

Sawir ay soo bandhigtay Warbaahinta qaar, ayaa muujinaya Sadex Nin oo mid madaxa Libaaxa hayo, halka labada kalena ay Libaaxa maqaar bixinayaan.

Muuqaalka Sawirka, ayaa waxa uu muujinayaa in Libaaxaan uu u muuqdo mid mar hore baqtiyay oo aanba la qalin asoo nool, taasoo iyadane muujineysa heerka ay gaarsiisantahay Khaajada ka jirta qaybo kamid ah Syria.

Deegaanada ugu daran ee ay musiibada kajirto, ayaa ah deegaanka Ghouta, oo ku yaal Bariga Dalka Syria, waxaana dadka halkaas ku nool saaran Xayiraad dhan walbo ah, iyadoo qaar kamid ahna ay maalin walbo u geeriyoodaan Khaajo iyo Haraad.

article-2464977-18BC949200000578-872_634x548

Jariirada Daily Telegraph, ayaa maanta qortay in QM ay sheegtay ineey jiraan dad farabadan oo ku go’doonsan qaybo kamid ah Syria, kuwaasoo Khaajo xun hayso islamarkaasna aysan jirin wado loo marsiiyo Gar gaar iyo Raashin.

Dagaalka Syria oo galay Sanadkiisii Sadexaad, ayaa waxaa la xaqiijiyay in in kabadan 2 million oo qof ay ka carareen Guryahooda, kuwaasoo hada Qaxooti ahaan ugu nool Jordan, Lebanon, Turkey and Iraq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here