Qaadkii ugu badnaa oo lagu qabtay buundada u dhaxeyso Norway iyo Sweden

Tollerne på Svinesund beslagla denne uka 383 kilo khat. FOTO: TOLLVESENET
Svinesund 383 kilo khat. FOTO: TOLLVESENET

Booliska canshuuraha xuduudaha  labada dalka ee Sweden iyo Norway ayaa maalintii qamiista ku qabteen gaari Qaad waday buundada duqda ah  ee Svinesund  u  dhaxeyso labadaas dalk

Gaariga ayaa  noociisu ahaa Opel Zafira watayna  nambar Swedish oo ay ka buuxeen Qaad kii ugu badnaa abad.

Sarkaalka Wenche Fredriksen oo ka tirsan degmada Svinesund  ayaa sheegay markii ay joojiyeen gaariga aysan filaneynin in uu wado Qaad ,  waxey ku amreen wadaha gaariga in uu furo qaybta danbe ee gaariga halkaas oo wax lala yaabo noqtay wixii ka buuxay oo ahaa 47 baakadood oo  oo Qaad, waxaana ku daboolnaa bac madow.

Qaadkan ayaa waxaa lagu qiyaasay in uu dhamaa 383 Kg kaas oo noqday Qaadkii ugu badnaa abad ee dowladda Norway qabato.

Booliska ayaa xabsiga dhigaydhamaan  nin 37 jir ahaa oo waday gaariga , nin kale oo horey saarnaa iyo labadii qaf kale oo lagu sheegay kalkaaliyayaa  ee gadaal saarnaa, kadib markii su’aalo la weydiiyay dhmaantooda ayaa shalay la sii wadadaayaya.

Waxaa Tarjumay warkan Bahda Shabakadda Midinimo Information Center.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here